Kulankii todobaadlaha ahaa ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee visha Governo.
Kulanka ayaa waxa shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed waxaana Goobjoog ka ahaa dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolkaan Banaadir.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay falalka la xiriira amnidarada ee todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay Gudaha Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la isla gartay amniga in uu noqdo Shaqada Koowaad ee la qabanayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir lagu amray in ay qeyb ka noqdaan sugida amniga gobolka Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Afhayeenka Gobolka Banaadir