Gudoomiyaha degmada Maxaas ee Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamad Cabdi Cawaale oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Baledweyne ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku wada dagaalamay xadka labada Gobal ee Hiiraan iyo Galgaduud..
Colaadaas oo ah mid soo laab laabatay ayaa waxaa la sheegay in ay sabab u tahay dhul daaqsin ah oo ay isku heystaan,waxna dagaalkaas uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Heshiisyo horay lookal dhex dhigay Beelahaas aya dhowr mar burburay taas oo keentay in Maanta Maamulka degmada Maxaas ay baaq kas oo saaraan.
Gudoomiyaha degmada Maxaas ee Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamad Cabdi Cawaale iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay soo saaren baaq nabadeed,iyaga oo dalbaday in sideg deg ah loo joojiyo..
Warbixinta Warkan waxaa Baladweyne ka soo diray Wariyaheena Axmed Dirir Nuur.