War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka u dhaq-dhaqaaqa Konfurta Soomaaliya (SSAG) ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha siyaasadeed ee maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Galmudug.
Warka ka soo baxay Ururka (SSAG) ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin ku heyso Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug,isla markaana mudooyinkii ay jireen dhamaan howlihii shaqo looga baahnaa uu hakad ku yimid.
Sidoo kale Ururka u dhaq-dhaqaaqa Konfurta Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Warqadii dhawaan ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka Soomaaliya oo lagu shaaciyay in Doorashada dowlad Goboleed Galmudug la qaban doono 4-ta Bisha soo socota ee July 2019 iyo arrimo kale oo la xiriira Safarka Wasiir Sabriye uu ku gaaray Dhuusamareeb iyo Shaqaaqadii dhaqaan ka dhacday duleedka Baladweyne.
Ugu dambeyntii Ururka (SSAG) ayaa ugu baaqday dowlada Federaalka inay joojiso faragelinta iyo Cunaqabateynta ay ku heyso Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug iyo arrimaha siyaasada maamulka Gobolka Banaadir.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.