Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa markale ay dagaal beeloodyo ay ka soo cusboonaadeen deegaano hoostaga degamda Maxaas ee Gobolka Hiiraan,waxaana haatan bilaawday dadaalo lagu xalinayo dagaaladaas.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray labada beelood o kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud,iyaga oo isku-heysta dhul daaqsin ah oo ku yaalla duleedka degmada Maxaas.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee dhanka Amniga Maamulka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakow ayaa sheegay maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya Odayaasha dhaqanka labada dhinac ay wadaan dadaaladii ugu dambeeyey oo ay ku xalinayaan dirirtaasi.
Waxa uu sheegay in dadaaladii ay siwadajirka ah u wadeen saraakiisha Ciidamada xoogga dalka,Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka ay ku guuleysteen in ay xabad joojin kala dhex dhigaan labada dhinac.
Ugu dambeyn waxa uu shir Jaraa’id uu Maanta Baladweyne ku qabtay uu sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonaan wadahadalo u dhaxeeya labada dhinac si xal waara looga gaaro dagaaladaas oo ah kuwo soo laab laabtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee dhanka Amniga Maamulka gobolka Hiiraan.