Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta lagu soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ahana kusimaha Madaxweynaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya,waxana garoonka diyaaradaha ee Magalada ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka koonfur galbeed oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Barlamaanka koonfur galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye,masuuliyiin kale iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Guddoomiye Mursal ayaa safarkiisa oo ay ku wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaa ujeedkiisa lagu sheegay wadatashiyo uu la sameyn doono xildhibaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale masuuliyiinta sar sare ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa la filayaa in kulan la qaato inta uu ku sugan yahay Magalada Baydhabo,si loo adkeeyo xiriirka dowladda federaalka iyo koonfur Galbeed.