Maanta waxaa la filayay in Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada muqdisho ay kulan ku yeeshaan Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya si ay go’aan uga gaaraan arinta ku aadan xilheynta Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa u baaqday Kooram la’aan maadaama ay soo xaadiri waayeen Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si ay go’aan uga gaaraan arinta ku aadan Xilheynta wasiirka Dastuurka Soomaaliya iyada oo Maalmahaan uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Xildhibaanada iyo Wasiirka dastuurka kadib markii Barta uu ku leeyahay twetterka uu soo dhigayay hadalo Xanaf ah.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay in kulanka Baarlamaanka uu baaqday.
Hoos ka Dhageyso Codka