Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo  saaka xiran

Waxaa saaka wali xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho. Iyadoo la arkayo Ciidan aad u farabadan oo lasoo dhaaboy isgooys-yada Caasimadda qarkood.

Dadka shaacbka ah ayaan loo oggoleyn in ay isticmalaan waddooyinka qaar, waxaana dadka shacabka ahi ay yihiin kuwa lugeynaya, maaddaama uusan jirin gaadiid mari kara waddooyinka muhiimka u ah isku socodka shacabka Muqdisho.

Sababaha keenay in saaka la xiro isgooysyada qaar ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  uu Maanta kulan xasaasi ah la yeelanayo  Guddiga Joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka  soomaaliya.

Waxaa wararku sheegayaan in Deni uu guddiga joogtada ah kala hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka Dalka ka dhici doona.

Maamulada Puntland iyo Jubbland ayaa horay walaac uga muujiyay shirkii Dhuusamareeb3 oo lagu soo go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo ay ka hor yimaadeen wixii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media