Dhageyso:-Xildhibaano ka hadlay iscasilaadii Gudoomiye Cirro

Maanta waxaa Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland kaga dhawaaqay in uu iscasilay gudoomiyihii Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”waxana iscasilaadaas ka hadlay xildhibaanada Maamulkaas.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Soomaaliland oo iscasilaada kadib la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen talaabada uu qaaday Maanta ee ah iscasilaada.

Waxa ay sidoo kale sheeegeen in 12,Kii Sano ee uu hayay xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland uu qabtay wax wanasgan islamarkaana haatan ay u rajeynayaan guul.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaanada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media