Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayan in uu halkaasi ka dhacay Shil gaari oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Bas ah oo siday in ka badan 60,Ruux iyo Gaari kale,waxaana shilkaas ku geeriyooday ilaa 9 ,Ruux oo uu ku jiro Darawalka Gaariga Baska ah iyo Hooyo iyo Caruurteeda.
Sidoo kale waxaa shilkaasi ku dhaawacmay 20,kale oo kala saarnaa labadii gaari ee isku dhacay,islamarkaana shilk galay.
Qof ka mid ah dadka Goobjoogayaasha ah ayaa ka sheekeyneya qaabka uu shilka u dhacay iyo waxa uu indhihiisa ku arkay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qofka Goobjoogaha