Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda iyo D/Goboleedyada

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xarunta madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah JFS.

Mas’uuliyiintan kale duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubaland warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka.

Kismaayo ayaa laga daah furi doonaa Shirka Madasha arimaha gargaarka oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka.

Shirka Madasha arimaha gargaarka ayaa waxaa lagaga hadli doono jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor