Gudoomiyaha Gobolka Banaair ahna Duqa Muqisho Thaabit Cabi Maxamed oo weli ku guda jira dadaalka loogu jiro u gurmashada dadkii ku waxyeeloobay qarixii Isgoyska 14 Octoper Ex zoobe ayaa hadalkaan Maanta sheegay.
Waxa uu sheegay in sababta loo xiray Goobta uu qaraxa ka dhacay ay tahay laba ujeedo oo kala ah badbaadinta dad ay weli hantidooda ku jirto Goobta iyo sidoo dib loogu soo celin lahaa bilicii uu lahaa Isgoyskaas iyo dhamaan Goobaha burburay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Saacadaha nasoo aadan dib loo furi doono isu socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska 14 Octooper Ex Zoobe.
Hadalkaan ayaa Gudoomiye Thaabit waxa uu sheegay xili uu Maanta markale booqay halkii ay Musiibadii ka dhacday oo ay dadka badan ku geeriyoodeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir