Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa sheegay in maamulkiisa aan marnaba ogolaan doonin in dadka Soomaaliyeed loo dhigto Isbaarooyin.
Waxa uu ugu baaqay Ciidamada Dowladda Federaalka inay talaabo ka qaadan cidkasta ee lagu arko,iyada oo isbaaro dhiganeysa.
“Qofkii isbaaro loogu tago waxay amar u qabaan ciidamada qalabka sida inay meeshiisa ku toogtaan,wax sharci ah oo lahorgeynaayo majiraan ee bartiisa ayaa lagu tooganayaa aniga ayaana saxiixaya cidii dood ka qabtaa ha ii timaado ayuu yiri Gudoomiye (Dabageed).
Dadka reer Hiiraan oo mideysan ayuu sheegay inay guulo waaweyn gaareen,isla markaana ay la wareegeen deegaano dhowr ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.