Bananbax oo looga soo horjeedo Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka dhacay deeganka Beer Gadiid ee gobolka Hiiraan waxan ka qeyb galay waxgaradka deeganka,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaaso Maamulka Hirshabeellle ku eedeyay in aysan ka helin xuquuqdii ay ku lahayeen.
Banaanbaxyaasha qaarkood ayaa ku doodaya in deegaanka Beer Gadiid loo baahan yahay in loo aqoonsado in ay noqoto degmo maadaamada Dhawaan uu degmooyin Cusub Magacaabayay,islamarkana ay buuxisay Sharuudihii looga baahnaa degmo.
Sidoo kale wax ay sheegeen in deegaanka Beer Gadiid uu yahay meel istiraatiiji ah oo leh waxyaabaha muhiimka u ah Bulshada.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Axmed Dirir Nuur uu Baladweyne ka soo diray.