Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka dhaco banaanbax loogu baroor diiqayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Inta badan Shacabka Magaalada Baydhabo ayaa ka qeybgeli doono banaanbaxyada, waxaana saakay xiran Goobaha Ganacsiga Magaalada Baydhabo.
Qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Radio Dalsan in haatan uu socdo diyaar garoowgii u dambeeyay isla markaana shucuurtooda ay Maanta muujin doonaan.
Muqdisho, Baydhabo iyo Baladweyne ayuu Maanta banaanbaxa ka dhici doonaa, waxana horay silamid ah uu uga dhacay Magaalooyin badan oo dalka ka mid ah.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga qof ka mid ah Shacabka Baydhabo