Maanta oo Arbaco ah ayuu qorshuhu ahaa in xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ay ku kulmaan Magaalada Muqdisho balse waxaa la sheegayaa in kulankoodii uu baaqday.
Kulanka Maanta ayaa looga hadli lahaa qarixii khasaaraha geestay ee 14 Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Xogheyaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulankii Baarlamaanka uu dib u dhacay.
Weli lama shaacin sababta kulankaas loo baajiyay balse xogaha la helayso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka loo baajiyay banaanbaxyo Maanta la filayo in ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho