Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u Akhriyay qoraal ay saxiixeen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay uga hadlayaan dagaalka deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.
Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cadiraxmaan ayaa sheegay in Golaha Shaacbka ay aad uga xun yihiin dagaalkaas soo laab laabtay ee ka dhacaya deegaanka Dhumay.
Waxa uu sheegay in Goluhu uu ku baaqayo in dagaalkaas si deg deg ah loo joojiyo,isla markaana ay ka qeyb qaataan Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool inay kaalintooda ka qaataan daminta colaadaas.
Ugu dambeyn Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayuu ugu baaqay inay dhankooda ka qyeb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka dhexmaraya labada beelood ee walaalaha ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka.