Dhageyso:- Genaraal Muqtaar”Amniga Muqdisho isbedel ayaa ka jira”

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadlayay Xaunta Tabarka Ciidanka Booliska ee General kaahiye ayaa sheegay in sugida amaanka magaalada Muqdisho wax badan laga badalayo.

General Muqtaar Afrax ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku la imaanayaan qorshayaal cusub si kor loogu qaado amaanka Magaaladda, Shacabka ayuu ka codsaday inay gacan siiyaan Booliska taasina wax kasta ku hagaagi karaan,.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay Ciidanka Booliska inay kashaqeeyaan isdhexgalka Ciidanka iyo Shacabka oo door muhiim ah ka qaadan karta hagaagsanaanta amniga magaalada.

Dhanka kale, Ku simaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Muqtaar Afrax ayaa sheegay inay sameyn doonaan saanaadiiq ay dadka ku ridayaan figradahooda iyo qaabka hormarinta Amaanka .

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wada howlgalo lagu sugayo Amaanka Muqdisho iyo sidoo kale qeybo badan oo kamidda Goboladda Dalka .

 Hoos Ka Dhageyso Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media