Ciiddamo dheeraad ayaa lagu xoojiyey Askartii horey ilaalada uga ahayd Xarunta Maxkamadda Sare iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka ee ku yaalla Degmadda Xamar-weyne ee magaalladda Muqdisho.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Ciiddanka Ammaanka heleen warar ku aadan inay dhici karto in  gawaari miineysan lagu soo weeraro Xarumahaasi.
Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay si taxadir leh u baarayaan Gaadiidka isticmaala Waddooyinka Degmadda Xamar-weyne iyo goobaha ku dhow-dhow, si aysan Gaadiidka miineysan ugu suurto-gelin inay qaraxyo ka geystaan Xamar Weyne.
Bishii October 14-dii iyo 28-dii waxay Qraaxyo ka kala dhaceen Isgoyska Zoope iyo Hotelka Naasa Hablood 2 ee Degmadda Xamar-weyne, iyadoo ay boqolaal qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen Qaraxyadaasi..