Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa uu sheegay in gogashii Galmudug Cusub lagu dhisi lahaa inay taallo Magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale Shaakh Shaakir ayaa waxaa uu sheegay in markasto uu jeclaa in Galmudug ay midowdo,isla markaana wadashaqeyn kala dhexeeyo dowladda Federaalka ay ka dambeysp.
“Galmudugta aan anigu sheegayo waa Galmudug muwaafqo leh oo dowladda Federaalka aan Caasi ku aheyn,waa Galmudug Midnimo rabta oo mid ah,ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu cadeeyay in Galmudug ay diyaar u tahay in Dhuusamareeb ay isugu yimaadan Bulshada qeybaheeda kala duwan,isla markaana ay diyaar u yihiin in Magaalada Dhuusamareeb ay ka howlgalaan dhammaan Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.
Hoos ka Dhageyo Codka Sheekh Shaakir.