Maamulka Gobolka Mudug iyo Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka mudug ee Galmudug ayaa maantay kulan ka yeeshay Ciidan La sheegayinay ka Soo Jeedaan Mamulka Puntland kuwaas oo lugu Aragtay Deegano Badan oo Dhaca Bariga Gobolka mudug.
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa ku Eedeyay maamulka puntland inay jabiyeen heshiiskii ay Dhawaan gaareen Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Gudomiyaha Gobolka mudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa ku Eedeyay Maamulka Puntland inay xiisad ka Hurinayaa deegano ay maamusho Dowlad goboleedK Galmudug.
Waxa uu sheegay in Puntland ay ciidmo keentay deegaanada kala ah Singaduud, Cali-waal iyo God gaashaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudomiyaha Gobolka Mudug.