Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa Maanta soo saaray warqad uu Shaqada uga joojiyay duqa degmada Baladweyne balse waxaa arrintaasi ka soo horjeestay duqa degmada Baladweyne uu ka soo horjeestay.
Shir Jaraa’id ee uu Magalada Baladweyne ku qabtay duqa degmada Baladweyne Cali Cabduqaadir Faarax ayuu ku sheegay in manta uu xafiiskiisa soo weeraray gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay iska fogeeyay eedeynta uga timid Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la xiriirtay lunsashada hanta dadweyne.
Ugu dambeyn Cali Cabduqaadir Faarax duqa degmada Baladweyne ayaa ugu dambeyn sheegay in Madaxweynaha Mamulka Hir-Shabeelle iyo wasaaradda arrimaha Gudaha Maamulkaas laga doonayo inay jawaab deg deg ah ka bixiso falkii lagula dhaqaaqay.
Hoos Ka Dhageyso Sirka Jaraa’id ee duqa degmaa Baladweyne.