Dacwad-oogayaasha Turkiga oo amray in la soo xiro 243 Askari oo lala xiriirinayo Afgembigii Fashilmay.

Wakaalladda Wararka Dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa shaacisay in la amray in la soo xiro 243 ka tirsan Milliteriga oo ku kala sugan 54-ka Gobal ee dalkaasi.

Askartaasi ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen Afgembigii Fashilmay ee bartamihii bishii July ee sannadkii hore ka dhacay dalkaasi.

Wakaalladda ayaa la sheegay in la ogaaday inay Eedeysanayaashaasi Farriimo SMS isku weydaarsadeen Shabakad ay isticmaalaan Taageerayaasha Fatxullaahi Gulen oo deggan dalka Maraykanka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor