Safaarada Shiinayaha ee Soomaalia ayaa Talaadadii Maanta waxa ay Hey’ada Unicef iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya ku wareejisay Lacag dhan Labo Milyan oo Dollar.
Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeyn Mas’uuliyiinta Safaarada Shiinaha ee Soomaalia Xubno ka socday Hey’ada Unicef iyo Xukuumada Federaalka,ayaa Mas’uuliyiinta  waxa ay ka hadleen ahmiyada Taageerada Shiinaha ee Mashruuca Hooyada iyo Dhalaanka.
Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Cilmi Cumer Ceynsane ayaa madasha lagu wareejiyay lacagta kusugnaa waxaana uu bogaadiyay Doorka Dowlad Shiinaha ee Taageerada Somalia.
Mashruucan ayaa waxa uu muhiim u yahay Barnaamijka Hooyada iyo Dhalaanka Soomaaliya waxaana Hey’adda Arimaha Hooyada iyo Dhalanka ka shaqeysa ee Unicef ay Sheegtay in Doorka Shiinaha uu qeyb ka qaadanayo horumarinta Hooyada iyo Dhalaanka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka.