Komishinka Doorashoyinka Somalilland ayaa Ku Dhawaaqay in Xisbul Xaakimka Kulmiye ay Guushu Raacday Kadib tirintii Codadki ay Dhiibten Shacbiga Somaliland.
Muusi Biixi ayaa la tartamay musharixiinta kala ah Cabdiraxmaan Cirro oo ah Gudoomiyaha Xisbiga WADANI iyo Feysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID.
Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada waxa ayna Codadka u kala heleen saddexda xisbi ,Xisbiga UCID waxa uu helay Cod dhan 23,141 (Labaatan Iyo Saddex Kun Boqol Afartan iyo Kow Cod) oo u dhiganta 4% (Boqolkiiba Afar), Xisbiga KULMIYE Waxa uu helay Cod dhan 305,909 (Saddex Boqol Iyo Shan,Sagaal Boqol Iyo Sagaal Cod) oo u dhiganta 55% Halka Xisbiga WADDANI uu helay Cod dhan 226,092 (Laba Boqol Laabatan Iyo Lix Kun iyo Laba Iyo Sagaashan) Oo U Dhiganta 41% (Afartan Iyo Kow Boqolkiiba).
Dhinaca kale Goobtii lagu shaacinayay natiijada doorashada waxaa ka maqnaa masuuliyiinta xisbiga WADDANI waxaana la sheegay in  shir gaar ah uga socdo hotel Ambaasador ee Magaalada Hargeysa.