Diplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo Dawlada Finland ka la taliya arrimaha Soomaaliya isagoo ku sugan Wadankaas ayuu la hadlay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay Diplomaasiga in ay u muuqato in ay adag tahay inta laga dhisayo maamulka Hiiraan Iyo Shabeelada Dhexe in uu san xal imaan Karin hadii taasi lawaayana buuyiri in ay dhici karto in waqti loogu daro Dawlada Dhexe .
Wuxuuna ayaan daro ku tilmaaamay in Dawlada Fadaraalka laga dhaxlo in Hoteel la daganaado 4 Sano wuxuuna sheegay in Muqdisho ay ku sugany ihiin Xildhibaano aan deeganadooda tagi Karin waxna qaban Karin Dawlad Hoteel dagan sida uu hadalka uu dhigay.
Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxaa habboon buuyiri inay meel iska dhigaan Ficiltanka Siyaasadeed, Gorgortanka, ismaaan dhaafka  iyo Waqti-lumiska Ummadda, oo iyagu horey u soo maray 20-sanno oo Colaado iyo dib-u-dhac Nololeed, waxaana loo baahanyahay in  Horumar iyo Mustaqbal Dowladeed.Dalka iyo Dadka la gaarsiiyo
Halkaan ka dhageyso:-