Dalka Kazakhstan waxaa weli ka socdaa dibadbaxyada ballaaran xilli Madaxweynaha dalkaas uu ku amray ciidamada inay toogtaan dibadbaxyaasha iyagoo aan wax digniin ah u dirin.
“Waad toogan kartaan digniin la’aan” ayuu yiri Madaxweyne Kassym-Jomart Tokayev. Dowladda waxay sheegtay in laga hortaggay dibadbaxyadii rabshadaha watay….
Madaxweyne Kassym-Jomart Tokayev ayaa codsaday in ciidamo loo soo diro kaddib markii dibadbaxayaal ay galeen xafiiska duqa magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Almaty.
Khamiistii warbahainta dalkaas ayaa baahisya muuqaallo muujinaya ciidamada dowladda oo rasaas ku furaya dibadbaxayaasha.
Wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in 26 dembiilayaal hubeysan iyo 18 ciidamada ammaanka lagu dilay isku dhacyada, iyadoo madaxweyne Tokayev uu qalalaasaha ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray aragagixiso shisheeye ah.
Dibadbaxyo ballaaran ayaa axaddi la soo dhaafay ka bilowday Kazakhstan kaddib markii uu cirka isku shareeray qiimaha shidaalka.