Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu dhaliilay waxka qabashada inta xilka uu ku magacaaban yahay deegaannada qaar ee maamulkiisa hoos yimaada.
Maamulka degmada Jalalaqsi ayaa la sheegay in waqtigaan uusan Shaqeyn dadkan aan laga haqabtirin baahiyaha ay qaaban sida uu sheegay xildhibaan Muxumud colaad oo deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Jalalaqsi.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in howlihii muhiimka ahaa ee degmada jalalaqsi aysan Shaqeyn sida Saldhig boolis,iyo sidoo kale aysan ka howlglin wax Hay’ad ah sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay xildhibaanada Hir-Shabeelle ee ka soo jeeda Gobolka hiiraan in ay wax u qabtaan dadkooda si baahiyaha ay qabaan ay uga baxaan dhibaatooyinka heesta.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.