Dhageyso:-Deegaanka Soomaalida oo ka arrinsaday Collaadda Mooyaale

Wali waxaa taagan dagaalladii qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ku dhex marayey magaalada Mooyaale ee dalka Itoobiya.

Waxaa shir degdeg ah isugu yimid golaha wasiirrada ee xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaana shirkaasi markii uu dhamaaday ka dibba isla shalay galabnimadii u kicitimay xarunta dalkaas ee Addis Ababa madaxweynaha deegaanka Mustafe Muxumad Cumar.

Suurow Maxamed Cabdille oo ka tirsan golaha wasiirrada dowlad deegaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu wadahadal dagaalkaas kala sameeyay Madaxda Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Madaxweynaha uu Adis Ababa u aaday sidii xal looga gaari lahaa dagaaladaas oo ah kuwo soo lab laabtay.

Si kastaba dagaalka deegaanka Mooyaale ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ku dhawaad 30 Ruux oo isugu jira Soomaali iyo Oromo,waxaana deegaankaa soo haatan yahay mid go’doonsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor