Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaan ay maamulayeen Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku waramayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ay bilaaben howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Deegaanada Howlgalka uu ka bilaawday ayaa waxaa ka mid ah tuulooyin hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,waxana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ay Gacanta ku hayeen.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xalay la wareegay deegaan 80km dhinaca Koonfureed ka jira degmada Guriceel oo lagu Magacaabo Goola Goole,kaas oo ay maamuli jireen Al-Shabaab.

Dadka deegaanka Goola Goole ayaa u sheegay Dalsan inay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug,hayeeshee ay weli dareemayaan cabsi dagaal.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa iyana waxa ay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono,isla markaan aay qorsheynayaan inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor