Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa weli waxa ay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga  ay ka wadaan gudaha Magaalada muqdisho iyagoo lagu arkayo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada muqdisho.
Shacabka Magaalada muqdisho ayaa aad u taageeray howlgallada ciidamada iyagoo sheegay in ay dareemeen Nabadgelo islamarkaana qaarkood haatan ay bilaabeen in xiliyada habeenkii ay shaqeeyaan.
Qaar ka mid ah dadkaas ayaa waxa ay ugu baaqeen madaxda ugu sareysa dalka in aysan daalin islamarkaana ciidamada looga baahan yahay in ay howlgalka sii balaariyaan.
Hoos Ka Dhageyso codka Shacabka Muqdisho