Fagaaraha Taalada Daljirka ee dagmada Boondheere ayay iskugu soo baxeen Boqolaal u badnaa dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka mootada Bajaajla waxa ayna ka careysnaayeen istcimaalka waddooyin hor leh oo loo diiday waxa iyaga oo ku dhawaaqayay in ay yihiin dhalinyarada dalka dib ugu soolaabtay qaar kood ee ka Shaqesta.
Barxada taalada ayey iskugu keeneen Mootooyinkooda si ay u muujiyaan dareenkooda oo maanta ahaa mid aad u kacsan waxana ay sheegeen in ay doonayaan in dib loogu furo wadooyinkii laga mamnuucay si ay ugu shaqeystaan
Gudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir aminga iyo Siyaada Saalax Sh.Maxamed ayaa dibad baxayaasha ugu yimid fagaaraha uu ka socday dibad baxa waxa uuna u sheegay in ay ka xun yihiin wixii dhacay xarunta gobolka Banaadir ay  u wadi doonaan 5 ka mid ah mootaaleyda wada hadalna lagu dhameyn doono arintooda
Mootada bajaajka waa gaadiid aad looga isticmaalo magaalada Caasimada ee muqdisho waxana ku nacfiye oo ku shaqeysta kumanaan dhalinyaro kuwaas oo qaar kood dalka dib ugu soo laabtay waxana bajaajka hada ay ku tiirsan tahay nolosha qoysas badan oo biisha dhaqaalaha laga helo.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Cabduqaadir Jakaarta