Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas habeenimadii xalay aheyd ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Garoonka Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen inuu ahaa mid ay u adeegsadeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen Saldhig Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin halkaas.
Dad degan meelo ku dhow Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa ku warramay inay maqlayeen jugta tirro hoobiyeyaal ah, kadibna ay xigtay rasaas goos-goos ah oo dhaceysay, balse markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ku sheegteen in xalay weerar loo adeegsaday Madaafiic ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin Garoonka Jowhar, mana sheegin wax khasaaro oo ka dhashay.
Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay weeraro isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ugu qaadeen Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kolonyo ay la socdeen Ciidankaas, xiliyo socdaal ku marayeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.