Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa dhawaanahan ka dhacayay deegaano ka tirsan magaalada laas- Caanood ee Gobolka sool dagaaladaas oo geestay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadkii Shacabka ahaa ee lagu dul dagaalamay.
Magaalada laas-Caanood waxaa shalay gaaray Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka Arimaha gudaha maamulka Soomaaliland isagoo kulamo kala duwan la qaatay waxgaradka labada beelood ay iska soo xuleen oo gaarayay ilaa 66 Xubnood kuwaas oo kala saxiixday Gogol Nabadeed.
Wasiirka oo heshiiska kadib War-baahinta la hadlayay ayaa sheegay in dagaalkii dhacay xal buuxa laga gaaray islamarkaana uu sheegay in cid kasta oo ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka ay xil iska saraan adkeynta heshiiskii la gaaray cidii ku xad gudubtaana la toogan doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka