140 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Nigeria oo ka hoos shaqeyn doona Hawlgalka AMISOM ayaa ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Ciiddankaasi cusub waxay Garoonka ku soo dhaweeyey Taliye-xigeenka Boliska Hawlgalka AMISOM, Chiristine Alalo oo sheegtay inay Ciiddankaasi u yimaadeen si ay Boliska Somalia uga taageeraan Waajibaadka Hawlgaladooda, kana qeyb geli doonaan Hawlgalladda Roonadada ee lagu sugayo Ammaanka magaalladda Muqdisho.
Saraakiisha cusub ee ka tirsan Boliska Nigeria waxay beddelayaan Askar Nigerian ah oo muddo hal sanno la shaqeynaysay Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo dib ugu laabtay dalkooda hooyo
Boliska Dowladda Nigeria ee ku soo biiray Hawlgalka AMISOM, waxay ka barbar shaqeyn doonaan Saraakiisha Boliska ee ka kala socda dalalka Ghana, Kenya, Uganda iyo Sierra Leone.
©Radio Dalsan           Â