Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee Maanta Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in dilkan uu ka dhacay Wado ku dhow Isgoyska Sanca ee Muqdisho,isla markaana ay geysteen rag hubeysnaa Bastoolado.
Kooxihii ka dambeeyay dilka Askariga ka tirsanaa Ciidanka dowlada ayaa goobta ugu baxsaday luuq yar oo ku yaallay goobta uu falka ka dhacay.
Intaasi kadib ayaa waxaa halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa meel aan sidaa u fogeyn,iyagoona halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka.
Sidoo kale Ciidamada ayaa aaga uu dilka ka dhacay ka sameeyay baaritaano oo ay ku raadinayan ragii ka dambeeyay falkaas,hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan.
Dilkan gelinkii dambe ka dhacay agagaarka Isgoyks Sanca ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo Maanta duhurminadii rag hubeysan ay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dileen Ganacsade Caan ahaa,kaasi oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cumar Calasow.