Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka ARICOM ayaa sheegtay duqeyn cirka ah u gaystay warshad Alshabaab leedahay oo qaraxyada lagu farsameeyo islamrkaana lagu kaydiyo oo ku taalay nawaaxiga Jilib
Qiimayn hordhac ah ee la sameeyey ayaa tibaaxaysa in duqeynta lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan  Alshabaab.
Warshadan ayaa caan ku ahayd soosaairidda qaraxyada ismiidaaminta ee ay Alshabaab qaraxyada ku gaystaan, sida ay sheegeen Saraakiisha howlgalka hor kacayay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRIKOM ayaa had iyo jeer qaada tallaabooyin inta lagu gudajiro la dagaalanka Alshabaab, taasoo aad uga duwan falalka Alshabaab.
Hogaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in ay ka go’antahay duulamadooda aan ku ekeyn Bariga Afrika ee ay waliba beegsanayaan Caalamka oo dhan, siiba Meelaha uu Mareykanka kaga suganyahay dunida.
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in  ka go’antahay la dagaalanka Alshabaab iyo ururada xagjiriinta ee kale si loo badbaadiyo shacabka aan
Duqeyntan ayaa waxay Dowladda Soomaaliyeed ka taageereysaa ka takhalusidda gaboodfalka Alshabaab iyo in mustaqbal ifaya loo helo dadka Soomaliyeed.