Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay oo shalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan,isla markaana waxaa ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayay inta u dhexeeysa deegaanka Biyo Cade iyo Tuulada lagu magacaabo Xaaji Cali ee hoostagta Degmada Cadale.
Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka,waxaana ku dhaawacmay 9 qof kalena oo shacab ahaa,kuwaasi la socday gaariga weerarka lagu qaaday oo ka soo ambabaxay deegaanka Biyo Cadde,isagoona ku wajahnaa Tuulada Xaaji Cali.
Xildhibaan Cali Saciid oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii lagu qaaday dadka shacabka ahaa,isagoon tilmaamay inuu aad uga xun yahay falkaas.
Waxaa uu Xildhibaanka tacsi u diray Ehelada iyo qaraabadii ay geeriyoodeen dadkii lagu dilay inta u dhexeeysa deegaanka Biyo Cade iyo Tuulada Xaaji Cali,isla markaana uu Alle Caafimaad deg deg ah uga baryay inuu siiyo kuwii ku dhaawacmay weerarka.
Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan Cali Saciid ayuu Madaxda Hirshabeelle ugu baaqay in dadkii ka dambeeyay falkaas gacanta lagu soo dhigo,isla markaana la horgeeyo Cadaalada si sharciga loo marsiiyo.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa deegaano hoostaga Degmooyinka Cadale iyo Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka socday dagaal u dhexeeyay labada Maleeshiyo beeleed,iyadoona arrintii shalay ka dhacday gobolkaas loo maleynayo inay la xiriirto aano Qabiil.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cali Saciid.