Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgal AMISOM ee Soomaaliya ee ku sugan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa dad shacab ah waxaa ay ku xireen Konteener ay leeyihiin.
Dadka la xiray ayaa Ciidamada Jabuuti waxaa ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen duleedka Jalalaqsi,kadib markii weerar khasaaro geystay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ku lahaayeen duleedka degmadaas.
Howlgalka dadkii lagu qabtay ayaa iusgu jira Culimo u fadhiday Alle Bari iyo dhalinyaro badan,kuwasi oo ka mid ahaa dadka deegaanka Degmada,isla markaana lagu xiray Konteener ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti.
Cabdi Duurow oo ah Xildhibaan ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee ka soo jeeda Jalalaqsi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in xiriiro badan uu la sameeyay maamulka Gobolka iyo kan degmada,kuwaasi oo xusay inay wadaan dadaalo lagu sii daynayo dadkaas.
Sababta loo xiray dadkaas ayuu ku sheegay Xildhibaan Duurow inay tahay,kadib weerarkii habeeno ka hor ka dhacay Degmadaas,isla markaana ay ku qaadeen Al-shabaab,kaasi oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray Ciidamo Jabuutiyaan ah oo Saldhig ku lahaa duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdi Duurow.