Akhriso:-Shuruudaha Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo lasoo saaray

Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenada Galmudug.

Guddiga Doorashada ayaa soo saaray 9 qodob oo looga baahan yahay inay fuliyaan Musharaxiinta, waxaana ugu muhiimsan inuu qofka yahay Muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanka Galmudug, isla markaana uu heyso shahaado Jaamaceed ama waayo aragnimo hogaamineed oo 5-sanno ah.

Sidoo kale Shuruudaha ayaa waxaa qeyb ka ah in Musharaxa u tartamaya xilka Madaxweynaha laga doonayo inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo Dollar, halka Madaxweyne ku-xigeenada laga doonayo inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo Dollar.

Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saareen Guddiga Doorashada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media