Wararka naga soo gaarayo magaalladda Beled-weyne waxay sheegayaan in Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda Federalka ay maanta albaabadda u laabeen Xarunta lagu qabanayey Shir la sheegay in lagu soo dhisi doono Maamul-gobaaleed loogu magac daray Hiiraan State.
Ciiddanka waxay ku amreen Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka inay ka kala tagaan Xaruntaasi, waxayna uga digeen inaysan mar kale shir ku qaban karin Beled-weyne.
Shirkaasi oo uu abaabul xooggan u galay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa shalay ka furmay Beled-weyne, wuxuuna Shirkaasi u muuqday mid lagu carqaladaynayo Dhismaha Maamulka HirShabelle ee dhawaan lagu dhisay magaalladda Jowhar.
Inta badan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa ku sugan magaalladda Jowhar, kuwaasi oo kaalin ballaaran ka qaatay Dhismaha Maamulka HirShabelle.
Dhinaca kale, Labo Hoggaamiye-dhaqameed oo ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa shalay soo gaaray magaalladda Jowhar, kuwaasi oo horey uga soo horjeeday Dhismaha Maamulka HirShabelle.
Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage markii ay soo gaareen magaalladda Jowhar waxay ku biireen Odayaasha Dhaqanka ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ee faraha kula jira Dhismaha Maamulkaasi.
Waxaana shalay la doortay Guddoomiyaha KMG ee Barlamaanka HirShabelle, iyadoo Madaxweynaha iyo Guddoonka Barlamaanka Hirshabelle la dooran doono bartamaha bishan October.
©Radio Dalsan