Magaalada muqdisho waxaa iminka howlgallo aan kala joogsi laheyn ka wada ciidamada xasilinta amniga muqdisho kuwaas oo habeen iyo Maalin lagu arkayo Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada muqdisho islamarkaana aruurinaya Ciidamada hubka waaweyn ku dhex wata gudaha Magaalada muqdisho.
Gudoomiyaha degamda Kaxda ee Gobolkaan Banaadir Maxamed Ismaaciil Macalin ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda balse ka soo cararay howlgalka hub aruurinta ee ka socda Magaalada muqdisho ay qaati ka taagan yihiin islamarkaana ay dhibaato ka wadaan xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla degmada Kaxda.
Waxa uu sheegay in Ciidamadaas soo cararay ay mararka qaar dhac u geestaan dadka barakayacayaasha ah balse xaalada kale ee dhanka amniga degmada ay tahay mid aad u wanaagsan.
Hoos Ka Dhageyso Codka