Wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Maanta siweyn waxaa loogu soo dhaweeyey Magalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Soo dhaweyn kadib ayaa waxa uu u mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey waxana uu ka hadlay ujeedka uu xilligaan u tegay Magalada Baydhabo.
Shir Jaraa’id uu qabtay ayuu sheegay in codsiyo badan ay uga yimideen shacabka koonfur Galbeed,isla markaana xilligaan uu yahay Musharax madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Muqtaar Roobow ayaa horay uga mid ahaa hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab walow markii dambe uu ka baxay,isla markaana uu dagaal kula galay deegaano ka tirsan gobolka Bakool.
Hoos Ka Dhageyso Codka Muqtaar Roobow.