Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamao Cadaan ah ayaa ku sugan degmda Balcad ee Goboka Shabeellaha dhexe kuwaas oo ka qeyb qadan doona dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Abaaduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Genaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in ay Ciidamadooda ku diyaarsan yihiin degmooyinka Balcad iyo Afgooye si ay howlgalka u fuliyaan.
Waxa uu shegay in iyaga oo garab ka helaya kuwo Cadaan ah ay doonayan in ay Al-Shabaab kala wareegaan deegaanada ay kaga sugan yihiin labada Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha