Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa dib ugu laabanaya xildhibaanada Koonfur Galbeed ee ka maqnaa Magaalada si ay uga qeyb galaan kulanka Baarlamanka ee 22 Bishaan lagu wado in uu ka furmo Magaalada Baydhabo.
Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax, oo ka mid ah tiro xildhibaano ah oo Baydhabo tegay ayaa Dalsan u sheegay in mudo Saacado ah lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bydhabo.
Waxa uu sheegay in markii ay ka dageen Garoonka ay celiyaan in ay gudaha Magaalada galaan Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida Maamulka koonfur Galbeed kuwaas oo amar ka heestay Madaxweyne Shariif sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa la weydiiyay Su’aal aheyd in arrintaan ay xiriir la leedahay xiisada Siyaasadeed ee dhalisay in Xildhibaanada qaarkood ay mooshin ka wadaan Shariifka ayaa waxa uu ku jawaabay.
“hadii xataa ay jirto mooshin aan wadno xaq miyaan u leenahay in Garoonka nagula xayiro waxan nahay xildhibaano xasanad leh, runtii Go’aanka aan qaadanay waan sii wadi doonaa ilaa koonfur Galbeed laga dhigo mid ka bedelan mid ka duwan sida ay hadda tahay ayuu yiri Xildhibaan Amiin Maxamed Faaraxâ€
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka