(SAWIRO): 4 Falastiini oo la dilay iyo boqolaal la dhaawacay

Saraakiisha Caafimaadka e Marinka Qasa waxay sheegeen in tirada Dibadbaxayaasha Falastiin ee ay Askarta Yuhuudda shalay dileen ay gaartay 4 qof, oo uu ku jiray wiil 15 jir ahaa.

Askarta Yuhuudda waxay toogasho ku dileen Wiilkaasi oo la oran jirey Xaytham Al-jamaal oo ku sugnaa Bariga magaalladda Khaani Yoonis ee Koonfurta Marinka Qasa.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA waxay kaloo sheegtay in toogasho lagu dilay  Zayd Jadallaah Bureym oo ka qeyb galayey Dibadbaxyo ka dhacay Koonfurta Marinka Qasa, halka Cimaad Nabiil Abu Draabi oo 26 jir ah laagu dilay Braiga magaalladda Jabaliyah ee Waqooyiga Marinka Qasa.

Sidoo kale, Yuusuf Al-fasih oo 29 jir ayaa isagana lagu dilay Dibadbax shalay ka dhacay Bariga Marinka Qasa.

Dhinaca kale, Dadka kale ee ay Askarta Yuhuudda shalay dhaawaceen oo tiradooda gaarsyso 600 oo Falastiini, waxaa ku jiray 26 carruur iyo 14 Haween.

Sawir-qaade Maxamed Cabiid Al-baba waxaa iagana laga dhaawacay Lugta, isagoo sawiro ka qaadayey Dibadbaxayaasha Reer Falastiin ee shalay ku sugnaa Waqooyiga magaalladda Qasa.

Sawir-qaadahaasi oo u shaqeeya Wakaalladda Wararka ee AFP,  waxaa la toogtay isagoo 200 mitir u jira Siliga ku xiran Xuduudka Yuhuudda, isagoo xiran Jaakadda lagu garto Suxufiyiinta ee ku qoran Calaamadda PRESS.

Dibadbaxyadda Reer Falastiin ee ay Jimco kasta ka dhigaan Xuduudka Marinka Qasa waxa uu bilowday bishii March 30-da ee sannadkan.

Dibadbaxayaashu waxay codsanayaan Xuquuqda ay u leeyihiin inay dib ugu laabtaan dhulkooda hooyo e ay Yuhuudda ka soo masaafuriyeen muddo haatan laga joogo 70-sanno.

Dibadbaxyadda oo loogu magac daray Dibadbixii weynaa ee Dib-u-laabashadda  waxaa sannad kasta la xusaa bisha March 15-da, si cabasho looga muujiyo dadka Falastiiniyiinta ee dhulkooda laga soo masaafuriyey, kuwaasi oo tiradooda dhan tahay 750,000 oo qof.

Tan iyo markii uu bilowday Dibadbaxyadaasi bishii March 30-dii ee sannadkan waxat Askarta Yuhuudda dileen dad Falastiini ah oo tiradoodu dhan tahay 125 qof, halka la dhaawacay in ka badan 130,000 oo kale.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media