Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkenley,waxana howlgalkaas lagu soo qabtay rag hubeysan oo falal amnidirro ka geysanayay degmadaas.
Raggaas lasoo qabtay ayaa waxa ay gaarayeen ila 11 ruux,kuwaas oo qaarkood ay ku labisnaayeen dharka ciidanka dowladda Soomaaliya,waana lagu soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkenley.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi(Tuulax) oo goobta lagu soo bandhigayey raggaas ku sugnaa ayaa sheegay in ragaas ay ahaayeen kuwo dadka Shacabka ah dhibaaten jiray,isla markaana mararka qaar Guryaha ugu geli jireen.
Waxa uu sheegay in howlgalladaas ay noqon doonaan kuwo joogta ah lagana sameyn doono degmooyinka Gobolkan Banaadir.
Raggaan lasoo qabtay ayaa waxaa loo gudbiyey Xarunta Xisbiga halkaas oo Xarun ay ku leeyihiin Ciidamada xasilinta,kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay hwolagallo ka sameynayey degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi(Tuulax).