Magalada Muqdisho waxaa  timid diyaarad siday Maxaabiis Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo loo yaqaano Boqorka Bartamaha,kaas oo mudo Afar Sano ah ku xirnaa mid ka mid ah Xabsiyada ku yaalla dalka Itoobiya balse dadaal ay sameysay dowladda Federaalka lagu soo daayay.
Bahda Saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo ehelada Aweys Muudey oo si dareen farxad leh ugu soo dhaweeyay Garoonka.
Wariyaha oo Warbaahinta hadal kooban ku siiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dalkiisa hooyo uu yimaado isaga oo nabadqaba,waxaana uu u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay siideyntiisa.
22 kii Bishii July ee Sanadkaan ayaa sidoo kale dalka Itoobiya waxaa laga keenay 114 Maxbuus oo Soomaali ah kuwaas oo lagu soo daayay dadaal ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale 12, Bishan December ayaa waxaa Muqdisho la keenay 7 ka mid ah Maxaabiis Soomaaliyed oo laga keenay Jaziiradda Seychelles.kaidb dadaal ay sameysay Xukuumadda Soomaaliya.
Goordhow la socda Codka Boqorka Bartamaha.