DFS oo ka qeyb galeysa Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika oo Maanta furmaya

Shirka lixaad ee heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, kuwa Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee Afrika ayaa Maanta oo sabti ah ka furmaya Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka, Isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika iyo sidii wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Afrika, waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Dowladda Masar ayaa inta badan martigelisa shirkan, waxayna muhiimadu tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika, iyadoo la soo gaba gabeyn doono shirka maalinta berri oo Axad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor