Iyada oo maalmihii la soo dhaafay uu roobka da’ayay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa hadana waxaa jirta cabsi soo wajahday dadka ku nool Magaladaas taas oo ku aadan in uu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Hiiraan.
Wariyaheena Axmed Dirir Nuur oo ku sugan Baladweyne ayaa soo sheegaya in roobkii ka’day Baladweyne uu saameyn ku yeeshay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne oo maalmaahan aan Shaqeyn halka Wadooyinka qaar uu xiray.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Wabiga xilligaan uu yahay mid aad u buux dhaafiyey,isla markaana ay ka casbi qabaan dadka reer Baladweyne in uu fatahaad sameeyo,isla marakaana badi dadkii deganaa Jiinka Wabiga ay barakaceyn.
Hadaba Hoos Ka Dhageyso Wararkii u dambeeyey ee saakay Magalada Baladweyne.