Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in duqii hore ee Magaalada laascaanood ee Puntland Cabdalla Xaaji Warsame uu ku biiraay Maamulka Soomaaliland.
Masuulkaan ayaa dhowr todobaad ka hor xilka laga qaaday,waxana Wareysi uu siiyey Warbaahinta ka howlgasha Puntland uu ku sheegay in xilka qaadistiisa uu masuulka yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cameey.
Waxa uu sheegay in dhowr mar ay wada kulmeyn,isla marakana uu ku cadaadiyey in uu keeno ciidamo beeshiisa ah si ay ula wareegaan Magalada laascaanood balse taasi ay u cuntami weysay.
Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in uu wadahadalo la leeyahay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Soomaaliladn si ay wadashaqeyn u wada yeeshaan.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa dhawaan Magalada laascaanood oo Maamulka Soomaaliland gacanta ku hayo uu u magacaabay maamul Cusub kaas oo dibad-joog ka ah Magaladaas.